Cabdiweli Gaas oo laba Arrin ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble uu wakhti yar haysto, sidaas darteedna uu kula talinayo in wasiiro cusub aanu soo magacaabin ee sii haysto wasiiraddii horey u joogay.

 

Cabduweli Gaas oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in marka la fiiriyo waqtiga yar iyo doorashooyinka uu dalka galayo ay Shaqooyinkaas qaban karaan Golaha Wasiirada oo xilalka siihaya si ay u fududaato doorasho ku dhacda waqtigeeda.

Doorashadu waa Shaqo adag oo siyaasadeed laakin ra’iisul Wasaaraha waxaa u taalla Shaqadii Xukuumadda, sida arrimaha amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka, waxaana ugu baaqayaa in uusan noqon nin damac kale leh ee waa in uu Madaxweynihiisa iyo dalkaba daacad u noqdaa ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Cusub oo shalay Golaha Shacabka ay ansixiyeen uu ku jiro diyaar garoow ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada.