Maxaa ka soo baxay kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Musharax Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya?

Musharax Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Guddoomiye yaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay labada Guddoomiye in loo baahan yahay in hannaan doorasho oo cadaalad ah ay dhacdo, isla markaana Guddiyada doorashada lagu soo xulo qaab lagu wada qanacsan yahay.
Kulamadan ayaa ahaa kuwo looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo xilligan muran weyn uu ka taagan yahay Guddiyadii doorashada ee la dhisay.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay talo, wada hadal iyo isu tanaasul, iyo heshiis loo dhan yahay, si loo helo xasillooni siyaasadeed.

Dhinaca kale C/kariin Guuleed ayaa kulankii uu la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal la wadaagay walaaca Musharaxiinta ka qabaan Guddiyada doorashada
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com