Madaxweyne Xasan sheekh oo shaaciyay in Milkiilaha Dawlada Federaalka uu yahay Fahad yaasiin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxmuud oo ka qeybgalay Barnaamij Talo wadaag oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa sheegay in milkiilaha dowladda hadda jirta uu yahay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabad-sugida Qaranka.

Waxaa uu ku eedeeyay in uu waddo sida uu hadalka u dhigay burburin siyaasadeed isaga oo yiri” Fahad Yaasiin markii hore wuxuu la wareegay Madaxtooyada, balse waa la ogaa sida uu ka yeelay, sidoo kalena Ciidamada Nabad-sugida ayuu burburiyay, haddana wuxuu rabaa in uu siyaasadda dalka burburiyo.
Xassan Sheekh ayaa intaa ku darray in shirarka u socda siyaasiyiinta mucaaradka yihiin kuwo salka ku haya siddii looga hortagi lahaa qorshaha madaxtooyada ee ah in Askarta dowladda laga dhigo guddiyo doorasho.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com