Norwey:Dadka magangalyo doonka ah oo hoos u dhacay.

Oslo, Waxaa hoos u dhac weyn ku yimid dadkii magangalyo doonka ahaa ee iska dhiibi jiray wadanka Norwey.

Warbixin ay soo saartay Hay,adda laanta socdaalka ee UDI ayaa lagu sheegay in mudo ku dhaw Sodon sano Norwey qaabishay tiradii ugu yareed ee dadka Qaxootinimada dalbanaya.

UDI ayaa tilmaamtay in bishii la soo dhaafay Norwey qaabishay 35 ruux oo magangalyo doon ah.

Halka muda shan sano ka hor Norwey qaabishay dad tiro ahaan kor u dhaafaya Sideed kun oo ruux.

Arimahaas ayaa sababta ugu weyn lagu sheegay in isbadalka Xukuumada hada haysata Norwey ee qaabilaada dadka Magangalyo doonka ah.

Xigasho: NRK

Xafiiska Wararka, Oslo.

Info@aragticusub.com