Xubno Ka Tirsanaa Shabaab Oo ‘Lagu Dilay’ J/ Dhexe

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Kumaandooska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay weerareen deegaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa tilmaamay  in xiliga ay weerarka qaadayeen uu deegaankaasi shir uga socday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka ay cagta mariyeen goobtii uu shirku ka socday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

G/lle Maalin ayaa sidoo kale xusay in ay dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu ka soo jeedo dalka Maali, laguna magacaabo (Abuu Ayman), sida uu hadalka u dhigay

Sidookale wuxuu tilmaamay in labada kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyadooda.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Somalia.