Maxaa looga doodayaa Kulanka Golaha Shacabka maanta ay ku yeelanayan Muqdisho?

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo  Sabti ah Codka kalsoonida u qaadi doona Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, ayaa si rasmiya loogu shaaciyay in Ajandaha Fadhiga Baarlamanka ee maanta oo Sabti ah  , uu yahay Kalsooni-siinta Xukuumadda cusub.

“maanta oo Sabti ah Tar 24 Oct, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka BJFS Agendaha Waa;  uCodeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la faray in ay ka soo qayb galaaan kulanka Golaha shacabka ee maanta Codka kalsoonida lagu siinaayo Xukuumadda Rooble

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com