Wasaarada Warfaafinta oo Safarka Farmaajo ee Hargeeysa ku tilmamtay riyo maalmeed

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xeyir Maareeye ayaa markii u horraysay ka hadlay wararka sheegaya in madaxweyne Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa xaruunta  Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan waxba  kala socon in madaxweyne Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa balse haddii ay jirto ay tahay in ay soo dhaweeyaan madaxda iyo shacabka Somaliland maadaama aysan go’doon kaga jiri Karin isbeddelada ka socda Geeska Afrika.

Wasiir Maareeye ayaa Tibaaxay  Somaliland in ay joojiyaan buuqa iyo qeylada islamarkaana la jaan-qaadan isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika kaasi oo uu sheegay in aysan mar dambe qeyb ka noqon doonin haddii aysan hadda la jaan-qaadin.

Hadalkaan ka soo baxay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo la qorsheynaayo in ay socdaal ku Tagaan Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com