Maxay ka wada hadleen Deni iyo Cumar Finish?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho Kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish.

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Cumar Finish uu Madaxweyne Deni ku bogaadiyay doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.”

Madaxweynaha Puntland  ayaa isna uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com