Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Nidaamka loo mari doono doorashada la filayo in Dalka ay ka dhacdo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ka hadlay marxaladda ay wajaheyso doorashada Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in wadada maanta wax lagu wado ay tahay tii ay horay u furtay dowladii tan ka horeysay ee uu Isaga hoggaaminayey.

 “Doorashadii hore waxaa la-lahaa jiitamaad badan ayaa ku jira, laakiin jiitankaas wadada aad maanta ku raaxeysaneysaan ayuu falay, marka dhibka aan ka soo marnay taas waxaa ogaa akhyaartii ila soo shaqeysay xilligaas oo Axmed Madoobe uu ka joogo, marka ragga hadda shaqeynaya hambalyo ayaan leeyahay waad soo dadaasheen inta dhimana kalsooni badan ayaad abuurateen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda ayba ula muuqato in waqtigeeda laga soo hor mari karo doorashada, hadii caqli la isticmaalo.

“Dhinicii siyaasadda waad soo dhameyseen, laakiin hadii caqlina la isticmaalo, dadka khibradda u leh oo doorashadii hore nagala shaqeeyeyna loo adeegsado, waxaana is leeyahay wixii shalay naga halaabay xataa wey garanayaan oo shaqo tii ka qurxoon ayey qaban karaan,” ayuu yiri Xasan sheikh .

Mudane Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shirkan oo beelaha Hawiye ay u qabteen madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in maalinba ay wax soo dhismayeen Soomaaliya, rajaduna ay fiicantahay hadda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com