Axmed Madoobe oo ka hadlay Matalaada Siyaasadeed ee Muqdisho iyo Maqaamka ay yeelanayso

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe, oo hadal ka jeediyay xaflad Muqdisho loogu sameeyay Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, ayaa si Weyn uga hadlay Maqaamka Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe, ayaa ku baaqay in mudnaanta kowaad la siiyo Maqaamka iyo Matalaadda Siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Hannaanka Sharciga ah loo maro hirgelinta Maqaamka iyo Matalaadda Muqdisho.

Madaxweynaha Jubaland, ayaa tilmaamay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya oo aysan jirin cid gaar uga xigta Muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan cidna gaar u sheegan Karin Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Muqdisho aysan u baahnayn guddoomiye loo soo magacaabo oo marba la beddelo, balse ay u baahantahay gole maamul oo dhisan iyo dhaqaale dib loogu celiyo, si wax looga qabto baahiyaha ka jira Magaalada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com