Gudoonka Aqalka Sare oo ka hadlay Xilliga Heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho la Horgeynaayo labada Gole ee Baarlamaanka

Heshiiska Hannaanka doorashada ee ay Wada gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalinta sabtida ee todobaadka dambe la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad Aqal Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa sheegay in heshiiskaas ay kulan wadajir ah ku ansixin doonaan labada Gole ee BaarlamaankaSoomaaliya .

Senator Abshir Bukhaari oo hadal ka jeediyay kulan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada loogu qabtay Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyay meelmarinta heshiiskaas.

“Kulan ay maanta isugu yimadeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa lagu go’aamiyay in heshiiska doorashada kulan wadajir ah labada Aqal lagu ansixiyo maalinta sabtida” ayaa yiri Senator Bukhaari.

Qodobada heshiiska doorashada waxaa ku jira ee aan la qeexin, waxaa kamid ah, soo xulista ergada oo sida lagu sheegay heshiiska ay iska kaashan doonaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dowlad goboleedyada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com