Madaxda Dawlad Goboleedyada oo Munaasabad soo dhaweeyn ah loogu sameeyay Magaalada Muqdisho +Sawiro Daawo

Munaasabad laguna soo dhaweynayey Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo  heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray Muqdishoayaa lagu Isla Magaalada Muqdisho .

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen Beelaha  Hawiye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cali Mahdi oo ay wehliyaan dhammaan madaxda Dowlad goboleedyada Dalka  Sida madaxweynand yaasha Puntland  Saciid Deni, Jubland  Axmed Islaam, Koofur Galbeed  Cabdulcasiis Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Qoor-qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Axmed, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/rashmaan Cabdishakuur, Xubno ka tirsan goleyaasha DFS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Galmudug oo munaasadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoona beesha Ku amaanay sida ay had iyo goor u garabtaaganyihiin nidaamka dowliga

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com