Banaanbax lagutaagerayo M/weeyne Qoor-qooro oo kadhacay magaalooyin Ka Tirsan Galmudug.

Magaalooyinka Caabudwaaq, Gaalkacyo iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa ka dhacay Bananbaxyo xoogan oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.

Boqolaal dadweyne oo isugu jira Dhalinyaro ah, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay Waddooyinka ku yaalla Caabudwaaq, Gaalkacyo iyo Cadaado, kuwaasi oo sheegay ay taageersan yihiin Axmed Cabdi Kaariye oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com