Maxay ka wada hadleen Madaxda Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya iyo Wafdi ka socda Kenya oo maanta Xamar Soo gaaray?

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, booqashada wafdiga kenya oo hal maalin ahayd ayaa  waxaa uu kulan la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa kulanka kadib sheegay in uu aad uga mahadcelinayo sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyay, wuxuuna intaasi raaciyay waxaan labadeenna dhinac ka wadahadalnay xoojinta xiriirka labada dal.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com