Gudoomiye Cumar Finish oo muddo ka dib dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib howl shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Mahadcelin ka dib, Duqa Muqdisho, ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiinta maamul gobolka Banaadir ku bogaadiyay shaqadii mugga lahayd ay ka qabteen maareynta Biyihii roobka ay ka tageen ee fariistay wadooyinka qaar ee caasimadda.

 

Guddoomiye Cumar Filish waxa garoonka  Aadan Cadde ku soo dhoweeyey ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Gole, Guddoomiyasha Degmooyinka, Agaasimayasha Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Madax kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com