Maxay kawada hadleen Kusimaha Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Danjirha Sweden U Fadhiya Soomaaliya?

Muqdisho : Sii haayaha Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Danjire Staffan Tillander.

Kulankaan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa la sheegay in ay si gaar ah isaga wareysteen qorshaha lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd ku biiri-taanka Ururka Ganacsiga Adduunka.

Sii haayaha Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa safiirka u sheegay in illaa iyo hadda ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka sameyeen ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka, balse dawladda Sweden ay ka taageerto ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururkaasi.

Ambassador Staffan Tillander oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko in Wasaaraddu ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka qabatay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana uu xusay in kulankani uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com