Maxuu ka Yiri ‘ Wasiir Cawad Xil ka qaadista lagu sameeyay ?

Wasiirkii hore ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Ciise Cawad oo Dekareeto ka soo baxay xafiiska Ra”iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xilka looga qaaday ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisa iyo in la tashi lagala sameeyay.
Cawad ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iska arkeen arinkan ka hor inta aan xilka laga qaadin” Madaxweynaha waan iska aragnay wuuna ii sheegay in xilka leyga qaadayo Annigana waan aqbalay”
Wuxuu dafiray  in xil ka qaadistiisa lala xiriirinayo warqadii ka soo baxday Wasaarradda ee ka dhanka aheyn qalalaasaha Itoobiya oo markii danbe dib looga noqday..
Wasiir Cawad ayaa dhan ka kale sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u soo bandhigay xil kale oo ah safiir, laakiin wuxuu yiri” Anniga ayaa arinkaa ka cudur daartay, maxaa yeelay waqtigan diyaar uma ihi in aan qabto xil kale, waayo muddo dheer ayaan soo shaqeeyay daal ayaa jira waxaan rabaa in aan qoyska waqti la qaato, madaxweyaha-na waan uga mahad celinayaa in uu fursad kale ii soo bandhigay oo dadka iyo dalka aan ugu adeegi karo”
Ra”iisal Wasaare Rooble ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com