Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta Si weyn loogu soo dhoweeyay Musharaxa Madaxweyne  Xasan Cali khayre.
Khayre ayaa maalmahaan dambe ku sugnaa dalka Turkiga, Wuxuuna horay Booqasho ugu tagay dalalka Jabuuti iyo kenya taasi oo Qayb ka ahay Ololihiisa Doorashada Dalka ka dhici doonta .
Boqolaal shacab ah , Ciidamo Iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa ka Qayb galay Soo dhowaynta Ra’iisal wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Magaalada muqdisho waxay hada marti gelinaysaa Kulamo Siyaasadeed oo Xiiso badan, waxaana soo gaadhay Musharixiin kala duwan.
Maalintii shalay waxaa sidoo kale muqdisho lagu soo dhoweeyay Madaxwaynihii Hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kamid ah Musharixiinta Xilka madaxwayne u taagan, Waxaa sidoo kale Masuuliyiinta Muqdisho soo gaadhay kamid ah maanta Daahir Maxamuud Geelle
Gudiga Doorashada ayaa weli dood ka taagan tahay, Balse marka la eego Sida ay Dawladdu ugu Fududaysay Musharixiinta in garoonka lagu soo dhoweeyo , Waa Rajjo wanaagsan

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com