Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir oo ka hadlay Waxa ka jira in Gudiga Doorashada ay ku jiraan Xubno ka Tirsan NISA

iyadoo’ si weyn loo dhaliilsan yahay Gudigii dhawaan uu u magacaabay  Doorashada Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Taliye ku-xiggeenkii hore ee hay’adda Nabad-sugida Qaranka Ismaaciil Daahir ayaa ka hadlay doodda ka taagan guddiyada doorashada iyo wax ka jira in ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka.
Ismaaciil Daahir ayaa Tilmaamay in guddiyada la magacaabay in ay jiraan sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad ka tirsan hay’adda Nabad-sugida oo uu si gaar ah u garanayo’’ ilaa shan qof oo aan Anniga si gaar ah u garanayo ayaa ku jira guddiyada heer federaal iyo kuwa dowladda gobolleedyada intaba.
Mar wax laga weydiiyay cadeymaha uu u hayo in ay guddiyada ka tirsan yihiin shaqsiyaad uu garanayo oo NISA ka tirsan ayuu yiri’’ Waa leys yaqaannaa shanta ruux ee aan kuu sheegay waliba waa shan ruux oo saraakiil Nabad-sugida ka tirsan ah, haddii ay shaqada ka taggeen oo ay hadda dad shacab ah yihiinna dowladda ayaa laga rabaa in ay cadeyntaa la timaado.
Wuxuu sheegay in ujeedada guddiyadan dhalinyarrada u badan loo magacaabay tahay in awood u sheegtaan islamarkaana maquuniyaan sida uu hadalka u dhigay Ergada beelaha ee dooranaya xildhibaan si markaa shaqsiga ay dowladda wadato loo soo saaro.
Dhinaca kale mar uu ka hadlayay hadalkii ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya uu shalay ka sheegay Tayaatarka Qaranka wuxuu sheegay Ismaaciil Daahir in hadalkaasi uu hor dhac u yahay qorshaha ay dowladdu wadato ee ah in doorashada lagu shubto.
Hadalkaan ka soo baxay Taliye Ku Xigeenkii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Ismaaciil Daahir ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Eedeeyay Siyaasiyiinta Mucaaradku ah Dawlada Federaalkaiyo Madaxweyne ku xigenka Dalka Kenya Wilam Ruttu sheegayna in Madaxweyne Farmaajo uu wareegga koowaad ku guleysan doono doorashada soo socota e Dalka ka dhici doonta
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com