Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP oo Heshiis kala Saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Mason Jocelyn oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta mashaariicda ee UNDP,

Kulanka ayaa looga hadlay Arimo badan , waxayna ku heshiiyeen in si wada jir ah loo fuliyo dhammaan arrimaha muhiimka u ah sidii loo heli lahaa  Caddaaladda  Soomaaliya iyo sidii bulshada ay u heli lahayd xukunno calaadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda  Cabdulqaadir, ayaa la wadaagay in uu ku faraxsan yahay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday inay xoojin doona u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com