Mid ka mid ah aqoonyahanada Norwey oo ka hadlay kala qeybsanaanta Soomaalida.

Oslo:-Ahmed Waceys oo ka mid ah aqoonyanada Soomaalida marna ka mid noqday xildhibaanada golaha deegaanka Magaalada Oslo ayaa ka hadlay kala qeyb sanaanta xiligaan ka dhex jirta bulshada Soomaalida iyo baahida weyn ee loo qabo jaaliyad mideysa.

Ahmed waceys ayaa tilmaamay in xiligaan oo ay doorasho ka socoto dalka Norwey ajaanibta dalka ku nool mudnaan gaar ah u leedahay isla markaana keenta in codkooda mideeeyaan kuna doortaan xisbiya ay u arkaan in muhiim u yahay.

balse waxaa uu xusay in Soomaalida aysan leheyd jaaliyad mideysan oo keenta in codkooda mideeyaan isaga oo tusaale u soo qaatay ajaanibta kale ee wadanka ku nool oo leh jaaliyad gaar ahaan Bakistaanta.

Marka laga soo tago shaqsiyaad sheegta in ay hogaan u yihihiin jaaliyad Soomaliyeed hadane warbaahinta aragticusub oo arimahaas u kuur gashay ayay u soo basday in aysan jirin jaaliyad Soomaalida Norwey ku mideysan yihiin  marka laga reebo in maqaayado iyo goobo gaar ah ay ku kala sugan yihiin isla markaana mid walba jaaliyad ugu magac baxsaday.

Hadaba sidee bulshada Norwey ku heli karaan jaaliyad mideysan si looga gudbo kala qeybsanaanta iyo kala aragti duwanaashiyaha ka dhex jirta, daawade maka mid tahay dadka ku nool dalka Norwey sideesa adiga muhiim kuugu tahay in jaaliyad xoogan la helo.Warbaahinta aragticusub ayaa barnaamijyo iyo wareysiyo la yeelan doonta aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Norwey.

Xafiiska Wararka,Oslo.

info@aragticusub.com