Midowga Musharixiinta oo ka jawaabay Magacaabista Gudoomiye iyo Gudoomiye Xigeenka Gudiga doorashooyinka

Midowga Midowga Murashaxiinta ayaa ka Falceliyay go’aankii shalay ay guddiga doorashooyinka Heer federal ku doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, wuxuuna ku hanjabay inuu qaadayo tallaabo.
Midowga Murashaxiinta wuxuu u arkaa in tallaabada ay guddoon ku doorteen guddiga doorashooyinka sharci darro ‘ Waxaana murashaxiinta soo jeediyeen ee gundhiggiisu ahaa in doorasho noqoto mid la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan iyo kusii adkaysi tabihii doorashada uu ku boobi lahaa madaxweynuhu,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.
“Goluhu wuxuu horay u soo jeediyey dhaliilo uu ka qabo maamulka Doorashooyinka, isagoo ugu baaqayn Madaxweynaha dawladda Federaalka ah in uu joojiyo isku dayga uu ku doonayo in uu ku boobo Doorashooyinka.”
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ku wargelinayo in uu qaadayo “tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ku dhaco firaaq dastuuri ah.”
“Goluhu wuxuu mar kale uga digayaa Madaxweyne Farmaajo in uu qaadayo cawaaqib xumida ka dhalata ku adkaysiga tallaabooyinka uu ku diidan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey qoraalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com