Muhaajiriin laga soo badbaadiyay Xeebaha Libya

Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay xeebaha Liibiya laga soo badbaadiyay in ka badan 350 qof oo muhaajiriin ah, sida ay sheegtay Hay’adda gargaarka, SOS Mediterranee.

Waxay ha’yadda sheegtay in ku dhawaad tirada dadkaas ay kala bar yihiin carruur, kuwaasi oo aan badankood dad la socon, afar carruur oo aad u yar yarna ay ku jiraan.

Dadkan ayaa la sheegay in laga soo badbadiyay afar doomood oo ku qalibmay meel 50-kilomitir u jirta xeebta Liibiya.

Intooda badan muhaajiriintan waxay ka kala yimaadeen waddamada Guinea, Suudaan iyo Sierra Leone.

Wadanka Libiya ayaa marin u ah meelaha ay muhaajiriinta kagalaan qaarada yurub oo ay maciin bideen in ay ka helidoonaan nolol dhaanto tii ay wadamadooda kaga soo tageen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com