Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Khasaaraha Dadkii Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee looga horjeeday dilalka qorsheysan ee kusoo batay gudaha magaaladaas.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in shaqaaqooyinkii ka dhacay Laascaanood ay ka xun yihiin, wuxuuna intaas hadalkiisa kusii daray in ilaa 3 qof ay ku dhinteen, isla markaana ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale oo kamid ahaa dadka deegaanka.

“Waa mushkilad aanaan fileyn waa mushkilad naxdinteeda leh,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi oo qiray in dilalka ka dhaca Laascaanood ay yihiin kuwo soo noqnoqday, looga baahanyahay shacabka iyo  laamaha amniga inay ka hortegaan dhibaatada.

Wuxuu ka dalbaday qaybaha bulshada ee Gobolka Sool in xaaladda la xakameeyo oo ay ka shaqeeyaan in dhib dheeraad ah aanu dhicin. “Waxay ila tahay dhexdheenna oo buuq ka dhaco iyo magaalada oo la arbusho iyo dhexdeenna oo dhibaato ka timaado daweyn maysee midnimadeenaa daweynaysa,”

Goobaha ganacsiga magaalada Laascaanood ayaa saaka xiran, iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay ay magaalada ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dilalalka loo gaysto dadka magaalada oo uu ugu dambeyay siyaasi lagu magacaabi jiray C/fataax C/laahi Hadraawi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com