Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri ‘ Xoriyadda Saxaafada Soomaaliya?

Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu dhiirrigelinayo xorriyadda saxaafadda, kadib markii uu uu kulan la qaatay xubno ka Tirsan suxufiyiinta aan xuduudda lahayn (RSF), oo booqashadii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee RSF, Christophe Deloire ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay joojinayso suxufiyiinta loo xirayo arrimo ku saabsan shaqooyinkooda.
“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo dhammaan dowladda cusub ee imaandoonta inay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo suxufiyiinta laguna dhiirrigelinayo soo bixitaanka saxaafad xor ah, madax-bannaan, lehna tayo sare,’ ayuu yiri Christophe Deloire.
Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Dube oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa ku tilmaamay ballan qaadka madaxweynaha guul taariikhi ah oo gacan ka geysan doonta joojinta xariga aan loo meel dayin ee saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay caburin ku hayso saxaafadda xorta ah, waxaana baaq dhawaan kasoo baxay Qaramada Midoobay loogu baaqay in dowladdu aysan ku xad gudbin xoriyada saxaafadda .
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com