NATIIJADA doorashadii Ethiopia oo la shaaciyey iyo tiro yaab leh oo soo baxday

Xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada.
Guushan la shaaciyey, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah.

Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia.
Hoggaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega ayaa sheegay in xisbigiisa Ezema ay diiwaan-geliyeen 207 ashtako kadib markii saraakiisha deegaanka iyo maleeshiyo ay u diideen kormeerayaasha inay tagaan gobolka Amhara iyo gobollo kale.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com