Nin 30-meeyo jir ah oo dilay haweeney u shaqeynaysay Nav halka mid kale dhaawac u geystay.

Bergan:- Nin lagu sheegay da,diisa 30-meeyo jir ayaa la sheegay in maanta weerar ku qaaday xafiiska NAV ee Magaalada Bergan.

Ninkaan ayaa dad goobjoogayaal ah u sheegeen warbaahinta in xiligi uu weerarka geysanayay xafiiska balan ka lahaa.

Booliska oo ka hadlay falkaas ayaa sheegay in gacanta lagu hayo ninka weerarka geystay isla markaana wareysiyo la yeelanayaan.

Weerarkaan oo ahaa mid argagax abuuray ayaa tilmaamay in mid ka mid ah haweenka ka shaqeeynayay xafiiska oo da,ahaan 50-jir aheyd u geeroyootay weerarka midida ah ee ninkaas fuliyay,halka haweeney kale uu soo gaaray dhaawac fudud.

Ninkaan ayay warbaahinta qaar sheegeen in uu ahaa ajaanib wadanka soo galay 2011 isla markaana dhalashada wadanka qaatay 2019-kii.

https://www.nrk.no/vestland/to-nav-tilsette-angripne-med-kniv-pa-nav-kontor-i-bergen-1.15658742.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com