Nin Kenyaan oo xabsi la dhigay ka dib markii uu ka digay weerar shabaab ay soo qaadi doonaan

Wargeyska The Standard Media ayaa qoray inay Booliska Gobalka Bomet ee bartamaha
dalkaasi gacanta ku dhigeen Nin lagu magacaabo Timothi Koej, kaasi oo lagu eedeynayo
inuu Warar digniin ah ku faafiyey bartiisa Facebook.

Eedeysanaha waxa la sheegay inuu ka digay inay Dagaalamayaal Alshabaab ku sugan
yihiin Nakuru, isla markaana ay qaadi doonaan weerar la mid ah kii lagu qaaday
Jaamacadda Garissa University.

Ninkaasi ayaa la sheegay in laga soo qabtay Tuulladda Jepengayna, sida uu sheegay
Taliye- xigeenka Boliska Gobalka Bomet, Istefan Weda.

Sarkaalku waxa uu sheegay inuu Eedeysanaha ku faafiyey Baraha Facebook Groups war
been abuur ah oo uu ku sheegay inay Alshabaab qorsheynayaan inay weerar ku qaadaan
Machadka Teknoolajiyadda ee Rift Valley oo ku yaalla Nakuura.

Taliye- xigeenka Boliska Gobalka Bomet, Istefan Weda oo la hadlay Wargeyska The
Standard Media waxa uu sheegay in Eedeysanaha isku qarinayey magaca kale ee Jospat
Lankat uu ku isticmaalo Barta Facebook.

Dhinaca kale, Eedeysanaha oo baxsad ku jiray isbuucii hore ayaa la sheegay in la soo
xiray, kadib, markii Boliska loo far muuqay Eedeysane Timothi Koej.

Xafiiska wararka Muqdisho.