Ciidamo tababar u gasocday dadka Turkiga oo Muqdisho laga soo dejiyay.

Ciidamadan oo tiradooda ay gaareso ilaa 300 Askari ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali iyo saraakiil ciidan kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada kula hadlay garoonka Muqdisho waxaana uu kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadka loo soo tababaray.

Ciidamada ayaa waxaa ka horreeyay kuwo kale oo Habeen hore iyana ka soo dagay Garoonka Aadan Cadde kuwaas oo iyana tiradoodu ay gaareyso ilaa 300 oo Askari.

Waa Ciidanka gaarka ah ee GORGOR,waxaana ay ahaayeen Cutubka 2aad maaddaama Cutubkii ka horreeyay habeen hore la keenay Muqdisho.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com