Dawlada oo ka hadashay dilka loo geystay Wariye Cabdi Weli Cali online.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xeyr Maareeye ayaa dilkii xalay degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha Hoose loogu geystay Alle ha u naxariistee  Wariye Cabdi Weli Cali Online oo ahaa wakiil wareedka gobalka shabeelaha Hoose Universal TV iyo Idaacadda Maxaliga ah ee Kulmiye

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xeyr Maareeye ayaa Cambaareeyay dilka wariyahasi

Wasiir maareeye Cambaareeyay dilka wariyahaasi waxaana uu tacsi u diray Ehelada iyo Dadkii uu ka geeriyooday wariye Cabdi Weli Cali online

Meydka wariyaha ayaa maanta lagu Aasay qabuuro ku yaala Degaanka Calamada ee gobalka shabeelaha Hoose waxana Aaska Marxuumka ka qaybgalay Ehelada Marxuumka iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha Hoose

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com