Ra’iisal Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Wakiilo ka tirsan Beesha caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo wakiillada beesha caalamka kala shiray xaaladda abaaraha dalka, ayaa ku boorriyay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kulanka uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka eek u sugan muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli Abaarta ka jirta dalka ay noqotay mid sii ballaarata islamarkaana saameyn xooggan ay ku yeelatay Dad iyo Duunyo intaba.