NORWEY OO KA DIGTAY WEERARO KU AADAN MAALMAHA CIIDA.

Oslo,Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida dalka Norwey ee lagu magacaabo Politiets sikkerhetstjeneste (PST) ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabaan weeraro argagixisanimo oo lagu qaado goobaha lagu oogayo salaada Ciida ama ay ka dhacayaan dabaaldegyada munaasabadaas ee dalkaan Norwey.

Wargeyska Dagbladet ee kasoo baxa Norwey ayaa saakay daabacay warbixin kasoo baxday PST kuwaasi oo soo saaray digniino la xariira in ay suuragal tahay qorsheynta weeraro xagjiriinta garabka midig ay ka geysanayaan gudaha dalka inta lagu guda jiro maalmaha Eidul-Adha.

Inkasta oo aan si rasmi loo cadeyn sababto arintaan loogu soo aadiyay waqtigaan ayaa hadana boolisku waxa ay sheegeen in kooxaha weerarka geysan kara ay hadafkooda ka dhiganayaan xiligaan oo ay u arkaan in ay tahay maalmo ay isku imaanayaan musliin badan taas oo ay sheegeen in ay ka digtoonyihiin.

Warka kasoo baxay nabad sugida Norwey ee PST waxaa Sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin haatan halis muuqata oo gaar u ah goobaha cibaadada ee maalmaha Ciida loo qorsheeyay inkasta oo ay sheegeen in heer ahaan ay dhex dhexaad tahay halista laga qabo amniga.

Arintaan waxa ay ku soo beegmeysa xili maalin qura ay inaga xigto Eidul-adha taas oo ah munaasabad labaad ee ugu weyn muslimiinta caalamka meel weliba oo ay joogaan, waxaana Norwey laga qorsheynayaa in salaadaha lagu oogo meelo badan oo wadanka gudihiisa.

Dowlada Norwey ayaa dhawaan fasaxday in 200 oo qof ay goob isugu imaan karaan kadib xayiraad bulshada saarneyd in mudo ah sababo la xariira cudurka Coronaveirus, waxaana haatan muslimiinta Norwey ay isku diyaarinayaan in ay qeyb qeyb u tukadaan salaada iyadoo la raacayo sharciga wadanka.

Dalkaan Norwey waxaa ku nool Soomaali kor u dhaafeysa 40,000 oo qoys kuwaasi oo qeyb ka ah muslimiinta ugu badan ee kunool wadankaan, waxaana warbixinta cusub ee kasoo baxday Booliska Norwey ay noqoneysa wel wel kale oo ka baxsan cudurka Coronaveirus oo dhawaanahaan soo laba kacleeyay Kaas oo Soomaalidu ay ku dhibaneyd.

Digniintaani ayaa geesta kale ku soo beegmeysa 7 maalin uun kadib xuskii 9-aad ee kasoo wareegay 22 july 2011-kii markaas oo nin hubeysan oo Norwegian ah uu weerar ku qaaday jasiirad lagu magacaabo Utøya iyo xarunta madaxtooyada Norwey, halkaas oo uu ku xasuuqay 77 qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen dhalinyaro Soomaali ah, iyadoo sababta uu weerarka u geystana qeyb ka mid ah lagu sheegay in uu diidana aragtida Norwey ee soogalootiga.

10-kii August 2019 ayay aheyd markii wiil dhalinyaro Norwegian ah uu isna weerar ku qaaday masjid kuyaala magaalada Bærum ee dalka Norwey inkasta oo nin Odey ah oo ka mid ahaa jameecada masjidka uu fashaliyay weerarkaasi, iyadoo ugu dambeyn maxkamad lasoo taagay.

Xiligaas wixii ka dambeeyay booliska Norwey waxa ay fiiro gaar ah u yeesheen goobaha lagu cibaadeysto ee dalkaan, waxaana dhowr todobaad kadib weerarkii ka dhacay New Zealand iyo Norwey ay bilaabeen in ay ilaalo amminga sugta geeyaan masaajida iyo goobaha lagu cibaadeysto ee wadanka.

W/Q Mohamed Abdi Nahar ? Xigasho Dagbladet.

https://www.dagbladet.no/studio/nyhetsstudio/5?post=38750