Norwey oo si KMG ah u xirtay qunsuliyadeeda Magaalada Kabul.

Oslo,Dowlada Norwey ayaa shaaca ka qaaday in si KMG ah u xirtay qunsuliyadii ay ku laheyd Magaalada Kabul ee dalka Afganistan.

Wasiirada Arimaha dibada Norwey oo warbaahinta la hadashay ayaa xaqiijisay in xaalada amni ee afganistan wal wal badan ku hayo isla markaana si KMG ah u xiri doonaan Qunsuliyadeeda.

Eriksen Søreide ayaa intaas ku dartay in ay la soo bixi doonaan diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha halkaasi ka jooga.

Arintaan ayaa imaanaysa markii Ciidamada taalibaan qabsadeen Magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay magaalada  labaad ee qandahaar.

https://www.nrk.no/urix/norge-hastetrekker-ut-ambassadeansatte-fra-afghanistan-1.15609549

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com.