Puntland oo Diiwaan gelisay Qaxooti ka yimid Dalka Yemen

Maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay 49 Qoys oo dhammaantood Yemeniyiin ah, waxa loo sii gudbiyay Xarun qaabilsan diiwaan-gelinta Qaxootiga, oo ku taalla gudaha Boosaaso, islamarkaana ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Qaxootiga ka yimaada Dalka Yemen, ayaa mudda todobaad ah lagu hayaa xarunta Qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso, halkaas oo diiwaan-gelin loogu sameeyo, ka hor inta aan la dejin.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, ayaa muddooyinki u dambeeyay qaabilsaysay Qoysaska Qaxootiga ah, ee ka imaanayay waddanka Yemen kuwaas oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com