Faah Faahinomka soo bxaya Qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday qof isku-soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay banaanka Maqaayad u dhow Xarunta Janeraal Kaahiye.

Dadkii ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in dhowr Ruux oo isugu jira askar iyo Shacab ay ku waxyeeloobeen qaraxa, isla markaana ay goobta xireen ciidamo ka tirsan Dowladda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com