Puntland oo ku dhawaaqday Seddex maalmood oo baroor diiq ah

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood ah oo baroor-diiq oo loo sameeynayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday.

Sidoo kale Puntland ayaa hoos u dhigtay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland,

Qoraal ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in sababta loo dajeyay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo midka puntland baroor diiq saddex maalmood ah oo loo sameynaayo Madaxweynhii hore puntland oo ku geeriyooday xalay Magaalada Nairoobi

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Puntland Marxuum Maxamed Cabdi XaashiXaashi ayaa wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Maamulka Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.