Puntland oo shaacisay in lasoo qabtay kooxdii Carmo ku dishay sarkaalka

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada baaritaano ay ciidamada ammaanku saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen gobolka Bari.

 

Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladaas lagu soo qabtay xubnihii ka dambeeyay dil degmada Carmo ee gobolka Bari loogu geystay sarkaal ka tirsanaa booliska Puntland.

 

Taliyaha ayaa hadalkiisa intaas ku daray inay soo dhamaantay in koox dil ka geysata gobolka Bari ay iska baxsato

Xafiiska Wararka jowhar

Info@aragticusub.com