Sedex boqol ruux oo la tacaalaya helida kadib xanuunka COVI19.

Oslo:-In ka badan 300 oo ruux u dhashay wadanka Swedan ayaa lagu soo waramayaa in wali la tacaalayaan dhibaato la xiriirta dareenka Urka ah oo ay ka qaadeen Xanuunka Safmarka ah ee Covid 19.

Dadkaan ayaa haatan ah kuwo dadaal xoogan ugu jira sidii dhaqaatiirka caawin uga heli lahaayeen.

Dhaqaartiir wadankaasi u dhashay oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in tirada dadka lumiyay urka uu ka badan karo tirada hada la hayo.

Waxaa ay intaasi ku dareen in ay baaritaan ku hayaan sababaha keenay in urka ka lumo mudo dheer dadkaani .

Calaamadaha lagu karto qofka qaaday xanuunka Covid 19 ayaa ka mid ah in marka hore qofka waayo dareenka urka ah balse markii dambe si tartiib ah ugu soo laabta waxana arintaan ay tahay mid 300-ruux wal wal ku abuurtay in urka u soo laaban kadib ka bogashada xanuunka.

Xafiiska Wararka,Oslo,Norway.

Info@aragticusub.com