Qaar ka Tirsan Isgoyska Magaalada Muqdisho oo dhagxaantii laga qaaday

Waxaa xalay la qaaday dhagaxaantii ku xirnaa  bartamaha Muqdisho kuwaas oo ay dhibaato ku qabeen Shacabka Muqdisho.

Isgoysyada dhagxaanta laga qaaday waxa kamid ah sanca siinay, Seybiyano ,Tarbuunka , Shiikh Cali suufi iyo wadooyin kale.

Gaadiidka dhagxaanta qaada ayaa xalay la arkayay, iyaga oo ka daabulaya isgoysada qaarkood iyo kantaroollada magaalada Muqdisho.

Dadka Shacabka ah iyo Wadayaasha  Gaadiidka dadweynah, ayaa dhibaato xooggan ku qabay wadooyinka xiran, kuwaas oo dhagxan loogu jaray sababo Amni awgood.

Talabadan ayaa u muuqata mid Ra,iisal Wasaaraha Cusub oo ku doonayo in looga qaado culeysyadii Dadka shacab ka ah ka heysta Isticmaalka Wadooyinkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com