Qaramada Midoobay oo soo dhoweeysay shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

 

Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeysay Shirka wadatashiga ee Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku baaqay in magaalada Dhuusamareeb lagu qabto.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada in ay shirkaasi ka soo saarah Heshiis isku tanaasul ah, isla markaana si deg deg ah loogu fuliyo heshiiskii horey looga gaaray doorashada 17-kii Sebtember.

Qoraalka ayaa u qornaa sidaan :

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember”.ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda diyaar garow la xiriira qabashada Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in la qabbto Maalinta berry ah oo Isniin ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com