Maamulka Jubland oo soo dhaweeyay Shirka lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubland Cabdi Xuseen Shekh ayaa soo dhaweeyay shirka lagu qabanayo magaalada Dhuusamareb ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb lagu qabanayo waa kii hore ay ugu baaqeen in la qabto Jubland iyo Puntland .

Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta Jubland ayaa shaaciyay in Diidmada Gudayadii ay soo magacaabeen Jubland iyo Puntland ay tahay mid dhabaha loogu xaarayo Muddo kororsi  loo sameeynayo Madaxweyne Farmaajo.

Murunka Siyaasadeed ee U Dhexeya ayaa Maamulada Jubland ,puntland oo dhinac ah iyo Dawlada Federaalka ayaa ah mid la xiriira qabsoomida doorashada

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com