Siyaasi Faysal Cali Waraabe oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Jeneraal Galaal

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee  Ucid  Ingineer  Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa Tacsi ka diray Dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Ingineer Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu si gaar ah tacsi ugu dirayo  Jenral galaal Ehelada Geeridaii Marxuum Jen. Galaal oo kamid ahaa Ciidamadii Xooga dalka, Wuxuuna tilmaamay inuu ahaa Halyeey  Itoobiya Cashar u dhigay xiligii dagaalkii 77.

Sidoo kale Wuxuu Faysal Cali Waraabe  baaq uu u diray Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Muqdisho, Wuxuuna tilamaamay inaysan Talada Gacantooda ku jirin,   Wuxuuna sheegay in Dawladaha Itoobiya, Kenya, Qatar,  Turkiga iyo Maraykanku ay  Gacan kula jiraan, oo Weliba dantooda ay  eegayaan. “Dan soomaaliyeed intuba ma wadaan” Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Gaba Gabadii Ingineer Faysal Cali Waraabe  ayaa  Timaamay  in  Jen. Galaal oo taariikh wayn ku lahaa ciidamada  in  Xus loo sameeyo ee meel gaar ah loogu magac daro ayuu yiri Feysal Cal iWaraabe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com