Ciidamad Puntland oo Hawlgal ka Fuliyay Degaano ka Tirsan Gobolka Bari

Wararka naga soo gaaraya gobolk Bari ayaa sheegaya Ciidanka Puntland ee loo yaqaan PSF, ay Hawlgal ka sameeyeen degaanka Dolqooxle, oo ka tirsan tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee puntland, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas la  dhacay , kadib markii ciidanku ay heleen xog ku saabsan in degaanka ay yimaadeen koox ka tirsan Al-shabaab.

“Hawlgalkan ay ciidanka PSF fuliyeen ayaa yimid kadib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa in ay Buuraleyda aaggaas ay yimaadeen kuna dhuumalaysanayaan Xubno ka tirsan Al Shabaab.”

Sidoo kale, PSF waxay ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish, waxaana ay shacabka ka codsadeen in ay garab-istaagaan Ciidanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com