Madaxweyne Farmaajo uu Gudoomiyay kulan hordhac u ah Shirka Maanta Furmaya

Madaxweynaha Dawlada Federalka Somaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo aya xalay Gudoomiyay kulan hor dhac u ah shirka maanta lafilyo in uu ka Furmo Magaalad Dhuusamareeb kaas oo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliyeed ee Xaalada Siyasadeed ee dalka uu ku jiro

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxda Maamulada Koofur Galbeed , Galmudug iyo Hirshabeele sida ay u Ajiibeen shirka uu ku baaqay

Intii uu kulanka socday ayaa mar qura waxa la maqlay sawaxanka madaafiic soo dhacday taasi oo qayb ka ahayd Tiro Hoobiyal ah oo ku soo dhacay Xaafado ku yaala Magaalada Dhuusamareeb taasi oo keentay in deg deg loo joojiyo kulankii uu gudoominayay Madaxweyne Farmaajo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com