Isku dhacyo dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Kuwa Dawlda Federaalka Soomaaliya

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo aya sheegaya in Iska Hor imaad uu Halkasi ku dhexmaray Ciidanka Ilaada Xuduudaha ee Dawlada Federalka Soomaaliya iyo Militariga Kenya

Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib markii Ciidanka Ilaalada Xuduudaha oo Hawlgal ka waday Xadka degmada Balad Xaawo ay halkaasi isku farasaareen Ciidanka Militariga Kenya

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxaya Dalka Kenya ayaa qoray in Ciidanka difaaca Kenya ee kdf iyo Ciidanka Dawlada Soomaaliya uu dagaal Halkasi ku dhexmaray

Goob joogayaal ayaa wargeyska TheDaily Nation u sheegeen in in Isku dhaca labada Ciidan uu bilowday ka dib markii uu shaki soo kala dhexgalay labada Ciidan ay keentay in Israsaaseyn sababtay khasare dhaawacyo ah soo gaaray ciidnka Kenya kuwaas oo lagu dhabiibayo Xaruun Caafimaad eek u taala Magaalada Mandheera

Ciidamada Kenya ayaa Maalmahaan Iska Cabin kala kulmay Ciidanka Dawlada Federaalka Kuwaas oo diidan in Ciidanka Kenya ay ka Hawlgalaan Xadka Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com