Wafdi ka socda Dawlada Federalka oo gaaray Degmada Bardaale ee gobolka Baay

Wafdi Isugu jira Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye ku-xigeenka Ciiidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta halkaasi gaaray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka caddaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga , Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sababta Wafdigaan halkaasi ay u gaareen ayaa ah  siidii ay u qiimeyn lahaayeen  Xaaladda bini-adanimo ee ka jirta degmada Bardaale  iyo sida ugu wanaagsan gargaar loo gaarsiin karo dadka ku dhaqan deegaanada ku xeeran degmada Berdaale.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed oo is-kaashana ayaa maalmahan  howlo gar-gaar ka waday qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com