Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya degaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xooggan oo khasaare dhaliyay .
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in lala beegsaday maqaayad ay ku sugnaayeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu khasaare ka dhashay in Kastoo aan ilaa iyo Hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee Qaaxa ka dhashay
Qaraxa kadib waxa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka kuwaas oo hawlgal ka wada nawaaxiga Qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com