Qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay Degmada Balcad

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa qaraxyo is xigxigay oo goor dhow ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

 

Labada qarax ayaa ka dhacay bar kontorool oo ku yaala dhanka galbeed ee degmadaasi, iyadoo ay ku dhinteen laba qof, halka sideed kalana ay ku dhaawacantay.

 

Qaraxa hore ayaa waxaa la sheegay in ay ku baxeen ciidamada ammaanka, markii ay goobta tageyna ay la kulmeen qaraxii labaad, oo u muuqday mid goobta lagu sii diyaariyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa hore ay ku dhinteen laba nin oo dhalinyaro ahaa, goobtana ka ag-dhawaa, halka qaraxa labaadna ay ku dhaawacmeen sideed qof oo askar u badan.

Goobta ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa ka socda gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Maamulka Degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada ee degmadaasi ku sugan ayaan weli ka hadlin qaraxyadaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab, oo aalaaba looga bartay qaraxyada ceynkani oo kala ah.