Qaybta VIP-da ee Stadium Muqdisho oo la dhameystirayo (SAWIRRO)

Wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha soomaaliya ayaa sheegtay in ay xiligaan ku hoolantahay diyaarinta qaybta VIP-da ee Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Sii Hayaha Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha ayaa sheegtay in kuraastii Dekeda Muqdisho laga soo qaaday lagu bilaabay in lagu xiro qaybta maamuuska sare ee garoonka cayaareed ee dalkeena ugu weyn.

“Kuraasta VIP-da ee Garoonka Cayaaraha Muqdisho (Stadium Muqdisho) waa 5,00 oo kursi, qaybta kale ee VVIP-dana waa 3,60 kursi. Guud ahaan waa 8,60 kursi oo laga soo saaray Dekeda Muqdisho, maanta ayaana lagu bilaabay garoonka.” Ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo xalay warkan ku sheegtay barteeda Twitter-ka.

Daba-yaaqadii bishii May ayaa la soo geba-gabeeyay dib u habayn ballaaran, oo muddo dheer lagu waday Stadium Muqdisho, waxaana Dowladda Somaliya ka caawiyay Ururka Midowga Yurub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa 30-kii bishii June xariga ka jaray garoonkaasi, iyadoo markaasi lagu weyneynayo toddobaadka xoriyadda.

Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club oo ka dhisan heerka 1aad ee horyaalka dalka ayaa lagu daahfuray cayaartii ugu horeysay, oo Garoonka Stadium Muqdisho lagu qabto, ka dib markii uu Madaxweynuhu xariga ka jaray.

Cayaaro badan oo indhaha dunida soo jiitay ayuu martigeliyay garoonkan, ka hor xilligii burburka, dib u hawlgelintiisana waxay calaamad u tahay dib u soo kabashada Somaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com