Wabiga Shabeelle oo kufatahay Magaalada Beledweyne  ee gobolka Hiiraan

Wabiga Shabeelle ayaa saacadahii la soo dhaafay fatahaahado hor leh ka sameeyay qeybo kamid Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo saameyn weyn uu ku yeeshay dalagyada Beeraha.

Dadka ku nool Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in dalagyo dhowr ah oo ku yaalla Beeraha Beledweyne, isla markaana uu baabi’iyey,sidoo kale uu Wabiga ku fatahay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne.

Duqa Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa bilaawday dadaalada lagu xakameeynayo fatahaahada Wabiga Shabeelle Magaalada baladweyne meelo kooban oo ay saakay biyaha kasoo baxeen ee hareeraha Wabiga si markale uusan Wabiga u fatahin.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com